WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo gaaray Masar iyo ujeedka

Wafdi ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Qaariha ee Caasimadda dalka Masar.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Masar kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladdaas, isagoona ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda ayaa Masar u tegay sidii uu kulan ula qaatan lahaa dhigiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Al-Sayid Saamix Shukri, kadib markii uu martiqaad ka helay.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

SOMALI NEWS

To Top