WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dhalinyaradii xalay Muqdisho lagu xasuuqay oo hal meel lagu aasay-Video

Muqdisho (HM) – Isbitaalka Xoogga waxaa si wadajir ah loogu aasay sideed dhalinyaro ah oo ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo xalay ka dhacay Gelato Devino oo ah goob ay bulshada isugu timaado oo ku talla wadada garoonka Aadan cadde.

Qaraxa wuxuu ahaa mid xoogan oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, saameyn ballaaran ayuuna geystay maadaama ay waxyeello kasoo gaadhay dad intaas ka badan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Aaska dhalinyaradaan waxaa kasoo qeybgalay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, masuuliyiin ka tirsan dowladda, dad shacab ah iyo qaar ka mid ah ehelladda dhalinyarada sida wadajirka ah loo aasayay.

Qaraxaan ayaa kusoo aaday xilli xaalado cabsi leh ay ka jiraan magaalada Muqdisho, taas oo ku saabsan hanaanka doorashooyinka dalka oo aan wali la isku waafaqin, waxaana jirta in dadku ka cabsi qabaan iney khalalaaso dhaliso.

Xubnaha Mucaaradka ayaa Muqdisho ku shiray dhawr maalmood, waxeyna qaadaceen oo ay ku baaqeen in la badalo guddiyadii doorashooyinka oo ay dowladdu magacowday, mana jirto wax la isla fahmay ilaa iyo hadda.

Ugu dambeyntii dhalinyarada geeriyootay mid ka mid ah oo la shaqeynayay hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa la sheegay inuu shalay uun dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro shaqo uu ku maqnaa.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top