WARARKA SOOMAALI

Maamulka Soomaliland oo toogasho madmadow ku jiro Saaka ku fuliyey 6 ruux oo mudo u xidhnaa-Video

Hargeysa (HM)-Somaliland ayaa maanta oo Khamiis ah waxay dil toogasho ku fulisay lix maxbuus, sidda ay ku warantay saxaafadda maxaliga ah. Shaqsiyaadkaas ayaa waxaa la wariyey in loo haystay eedo dilal.

Dilka toogashadda, sidda ku cad warbixinada, ayaa ka dhacdey duleedka xabsiga Mandheera ee ku yaala degaanka Mandheera ee gobolka Saaxil.

Sidda aan wararku noo xaqiijiyeen illo wareedyo xog ogaal ah, madaxweynaha Maamulka Soomaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa qalinka ku duugay fulinta xukunaddan.

Magacyadda lixda ruux ee la toogtey ayaa lagu kala sheegay;

1-Yaasiin Maxamed Yuusuf
2-Sharmaarke Sahal Oogle
3-Quulle Maxamed Cilmi
4-Khaalid Cabdi Xaydar
5-khadar Maxamed Warsame
6-Cabdikariim Maxamed Mahdi.

HALKAN KA DAAWO

Maamulka Hargeysa ayaan wali ka hadlin fulinta xukunkan dilka toogashadda oo ay ridday maxkamadda sarre “kadib caddeymo la horgeeyay” in kastoo goor dambe HM aragtay warqad Maxakamadda Soomaliland kaga hadashay fulinta Xukunka oo aan faahfaahin badan laheyn.

Qaar kamid ah waalidiinta dhalay Xukunayaasha saaka la toogtay ayaa si weyn u diiday xukunka ku dhacay wiilashooda oo ay sheegeen inuu yahay mid baal marsan Cadaalada.

Bishii koowaad ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii sidaan oo kale ay Somaliland xukun dil toogasho ah ku fulisay lix ruux oo loo haystay eedeymo ay kamid yihiin dilka shacab ah iyo kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab.

Midowga Yurub ayaa maalmo kadib wuxuu cambaareeyay falkaas, wuxuuna cod dheer ugu baaqay joojinta xukunada dil toogashadda la xidhiidha.

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii sheegata in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale, hasa ahaatee, dunida waxay u aqoonsan tahay maamul goboleed si toos ah u hoostaga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top