WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Baarlamaanka Puntland oo joojiyey ka hadalka arrinta DP world dalab ka yimid Deni-Video

Garoowe (HM)-Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta ogolaaday codsi ka yimid Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullahi Denni oo ah in barlamaanka uusan ka doodin heshiiska DP world oo gacanta ku haysa dekeda Bosaso oo ay faraha ka qaadaan.

Maanta ayuu barlamaanku u ballansanaa inuu ka doodo heshiiska DP-world, iyadoo qaar kamid ah xildhibaanada u ololeynayeen in la kansalo heshiiska DP-world maadaama shirkaddu fulin weyday ballamihii lala galay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne Deni oo todobaadkii hore dhamaadkiisa la kulmay barlamaanka ayaa ku qanciyay in aysan ka doodin heshiiska dekeda Bosaso, isagoo u sheegay inuu meel wanaagsan marayo dhammeystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) ee dekadda Boosaaso.

Xildhibaanada ayaa ugu dambeyntii cod gacan-taag ah ku oggolaaday, waxaana u codeeyay 38 xidlhibaan, halka 11 kalena ay  ka aamuseen.

Madaxweyne Deni oo muddo ku dhow bil ku maqnaa dalka Imaaraatka ayaa wararku sheegayaan in halkaas uu kulasoo kulmay madaxda DP–world.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top