WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Turkiga oo war culus kasoo saaray Qaraxii Muqdisho-Video

Muqdisho (HM)-Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii xalay ka dhacay maqaayad ku taal wadada aada garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen 8 qof oo dhalinyaro ahaa, halka 10 kalena ku dhaawacmeen.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin geerida 8 qof oo ku naf waayay weerarkii argagixiso ee ka dhacay xalay Muqdosho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weeraradan argagixiso waxaana u tacsiyeyneynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha. Waxaan u rajeynaynaa naxariista Eebbe kuwa naftooda ku waayey, waxaan tacsi u direynaa qoysaska iyo ehelada dhibanayaasha waxaanan u rajeynaynaa caafimaad deg-deg ah kuwa dhaawacmay”ayaa lagu yidhi War saxaafadeedka ka soo baxay dowladda Turkiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay qaraxaas oo ay mas’uuliyadiisa sheegatay Kooxda Al-Shabaab.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top