WARARKA SOOMAALI

DAAWO: DFS iyo Caalamka oo bilaabaya Fulinta heshiisyadii Shirkii London (Maxaa kamid ah)

Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa si wada jir ah ubilaabay hirgelinta qodobadii kasoo baxay shirweynihii arimaha Soomaaliya ee bartamitii bishan ka dhacay magaaladda London

Ra’isul wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Khadar ayaa sheegay in dowladda iyo wakiilo caalami ah ay si toos ah ubilaabeen fulinta qodobadii kasoo baxay shirkaas.

Qodobadan oo ka kooban dhowr iyo tobon qodob ayaa waxaa kamid ah hormarka bulshadeed, Amni, Ismaamul wanaagga, Dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaada iyo qodobo kale.

RIIX HALKAN: DAAWO MUUQAALKA.

Ra’isul Wasaare ku xigeena ayaa wareysi uu siiyay Barnaamijka TUBTA Nabadda ee xafiiska QM ee Soomaalia (UNSOM) u sheegay in mashruucyadan si siman dilka looga hirgelin doono.

Si kastaba, beesha caalamka ayaa balan qaaday iney wax qabad rasmi ah ku taageeri doonto shacaba iyo dowladda Soomaaliya

SOMALI NEWS

To Top