WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Deni oo weyn loogu soo dhaweeyay Kismaayo & Khudbadda Axmed Madoobe-Video+Sawiro

Kismaayo (HM)-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Saciid Deni oo ka soo kicitimay magaalada Garowe ayaa diyaarad gaar aheyd oo Maamulka Jubbaland u diray soo qaaday.

HALKAN KA DAAWO

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo Wafdiga Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, waxaana la filayaa inay si wadajir ah saxaafada ula hadlaan.

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa ka mid ah wafuuda ka qeyb galeysa xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, taasoo dhici doonta maalmaha soo socda.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ay isu diyaarineysa marti gelinta wafuuda imaaneysa ee ka qeyb galeysa caleema saarka Axmed Madoobe.

SOMALI NEWS

To Top