WARARKA SOOMAALI

Deg Deg Daawo:-Xubno kusoo hungoobay inay Deni ka baajiyaan caleema saarka Axmed Madoobe oo Muqdisho kusoo laabtay-Video

Muqdisho ( HM ) Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka Warbixiyey Safarkii ay Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay ku tageen magaalada Boosaaso, Halkaasi oo ay kulan kula yeesheen Madaxwaynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

HALKAN KA DAAWO

Wasiir Cawad ayaa Ayaa sheegay in Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysalwaare Xasan Cali Khayre ay Fareen Sidii la isugu soo dhowaan lahaa, Islamarkaana  looga Shaqayn lahaa Xasilooni Siyaasadeed oo dalku uu helo, Wuxuuna sheegay inay u arkaan Safarkaasi inuu guul kusoo dhamaaday.

“Waxaanu Filaynaa inaanu Guul fiican kasoo gaadhnay,  Wuxuuna siciid deni naga balan qaaday Yaraynta khilaafaadka, iyo Abuurida kalsooni dhexmarta maamulka Puntland iyo DF Soomaaliya, Khilaaf Joogto ah waa dib u dhac joogto ah”. Ayuu yidhi Wasiir Cawad.

Wuxuu sidoo kale u mahad naqay soo dhowayntii ay kala kulmeen Madaxwaynaha iyo Waxgaradka Puntland. Isagoo xusay inay dadku hada u bisil yihiin Dawladnimo iyo Wadajir, islamarkaana aanu Khilaafku dan u ahayn Ummadda Soomaaliyeed.

SOMALI NEWS

To Top