WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Sheekh Shariif, Xasan Sheekh & Cabdiraxman Cabdishakur oo soo gaadhay Kismaayo-Video

Kismaayo (HM)-Waxaa galabta goor hore soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo diyaaradii sidey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan CabdiShakuur.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee kulmeelgaarka ahaa ayaa dhowaan laga celiyay inuu u safro magaalada Kismaayo xilli uu ka soo laabtay dalka dibadiisa iyadoo xiisad ka dhalatay joojintaasi ay socotay muddo toddobaadyo ah.

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinaya xubno ka tirsan xisbiga uu hogaamiyo ee Himilo Qaran.

HALKAN KA DAAWO

Magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale saaka gaaray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, waxaana horey ugu sugnaa madaxweynayaashii hore Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wafdigan ayaa waxa ay ka qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Madoobe oo dhowaan ka dhaceysa magaalada Kismaayo.

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa isna soo gaadhay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Jubbaland.

Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo wafdiga waxaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Xubno ka tirsan golaha wasiirada Maamulkaas iyo saraakiil Ciidan.

Wafdiga Xasan Sheekh ayaa waxaa ku jira xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka mid ah xisbiga uu hoggaamiyo ee Nabadda iyo Horumarka ee UPD.

Wafdiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay u tageen magaalada Kismaayo ka qeyb-galka xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan ka dhaceysa Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku sii qulqulaya wafuud kala duwan oo ka qeybgalaysa xaflada caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Waxaa saaka soo gaadhay magaalada Kismaayo Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Deni iyo wafdi uu hogaaminayo.

SOMALI NEWS

To Top