WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ciidanka Tuunis oo xirtay Xarunta Barlamaanka iyo Golihii oo…

Ciidanka dalka Tuunis ayaa maanta u diiday guddommiyaha baarlamaanka dalkaas Raashid Ghannouchi iyo xubno kale oo ka mid ah baaralmaanka  inay galaan  xarunta baarlamaanka dalkaas

Arrintan ayaa timid kadib markii madaxweynaha dalka Tuunis Qeys Saciid uu  xalay xilka ka qaaday ra’iisal wasaarihii dalkaas sidoo kalena joojiyay shaqadii baaralmaanka .

Guddoomiyaha baarlamaanka Tuunis  Raashid Ghannouchi ayaa ku eedeyay madaxweynaha inuu afgenbiyay dastuurkii iyo dimuquraadiyaddii ka jirtay dalka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray inaysan jirin wax u ogolaanaya madaxweynaha inuu kala diro baarlamaanka xaalad kasta oo lagu jiro, wuxuuna ballan qaaday in golaha baarlamaanaku sii wadan doono  kalfadhiyadiisa

SOMALI NEWS

To Top