WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo taageero hor leh ka dalbatay Talyaaniga, xili uu…

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Khaliif oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Jamhuuriyadda Talyaaniga Mudane Alberto Vecchi ayaa kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.

Wasiiru Dowlaha ayaa xusay taageerada dowladda Talyaaniga,  gaar ahaan mashaariicda horumarineed ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna adkeeyay muhiimadda xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya.

“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an xoojinta iskaashi ku dhisan horumar iyo xiriir diblomaasiyadeed oo sal adag leh oo ka tarjumaya danaha labada shacab, waxaanna  dowladda Talyaaniga iyo shacabkeeda uga mahadcelinayaa garab istaagga ay u muujiyeen dalkeenna”

Dhankiisa, Danjire Alberto Vecchi ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha ay ka xoojisay dhinacyada  amniga, kobcinta dhaqaalaha, dib u dhiska ciidamada, abuuridda fursadaha maalgashiga, la dagaallanka musuq-maasuqa iyo argagixisada.

SOMALI NEWS

To Top