WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ciidamo waday howlgal oo Qarax xoogan lagula eegtay Magaalada…

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax xoogan oo saakay ka dhacay duleedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxaas oo ahaa miinio nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Ciidamada Milateriga, xili ay howlgal qorsheysan ka wadeen inta u dhexeeysa Magaalada Baladweyne iyo degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray Ciidamada, waxaana la xaqiijiyay inay goobta ku geeriyoodeen laba Askari, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ka dhigay Xarun Caafimaad.

Al-shabaab ayaa inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah la eegta Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM, xiliyada ay ku jiraan howlgalada iyo socdaalada ay ku marayaan deegaano ka tirsan Gobolada dalka.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top