WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Ra’iisul Wasaare Rooble oo Codsi u diray M/Goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda maamul Goboleedyada ayaa xalay kulan Khadka Internet-ka kulan gaar ah ku yeeshay.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlaayay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka la filayo in maalmaha soo socda ay ka bilowdan dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku boorriyay Madaxda maamul Goboleedyada in ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashada aqalka sare, maadaama shalay ku ekeyd xilligii loo qabtay in la bilaabo doorashada aqalka sare.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Dhinaca kale Golaha Wadatashiga Qaranku waxa ay madaxweynaha iyo bulshada Galmudug ku bogaadiyeen howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada Alshabaab ee Ciidammada Qaranku ka wadaan Galmudug, iyagoo u muujiyay in ay taageero hiil iyo hooba leh la garab taagan yihiin.

SOMALI NEWS

To Top