WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ciidamadda Puntland oo soo Bandhigay Meyd tiro badan oo ay ku sheegeen Shabaabkii kusoo weeraray Buuraha Galgala-Video

Garoowe (Horufadhi News)-Warbixin kasoo baxdey taliska Boosaso Ciidamada Amaanka Puntland gaar ahaan kuwa loo yaqaano (PSF) ayaa lagu soo bandhigay muuqaalka iyo sawirada meydadka 41 nin oo la sheegay inay ka mid yihiin maleeshiyaad Habeen ka hor weerar gaadmo ah kusoo qaaday saldhig ciidanka Badda Maamulka Puntland ee (PMPF) ay ku leeyihiin deegaanka Bali-Khadar ee Buuraha Galgala Gobalka Bari.

Saraakiisha Ciidanka ee Puntland ayaa shalay warbaahinta u sheegay inay dilleen 41 ka mid ah kooxda Al-shabab ka dib markey dagaal kula galeen togga Majare halkaas oo ay sheegeen inay uga daba tageen galinkii dambe ee shalay maleeshiyaadkii Al-shabab ee Habeen horre soo weerarey saldhiga Ciidanka Puntland ku lahaayeen deegaanka Bali-Khadar halkaas oo shabaabku weerarkaas Guullo kaga sheegteen Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dagaalka dhexmarey cutubyo ka tirsan ciidanka Puntland iyo shababta ku Sugan Buuraha Galgala ayaa imaanaya xilli maalintii shalay si weyn looga hadal hayay deegaanada Puntland iska hor imaadkii Habeen ka hor ka dhacay deegaanka Bali-Khadar oo la sheegay in ciidanka Puntland looga burburiyay mid ka mid ah saldhigyadda ay ku leeyihiin Buuraha Galgala isla markaan Gaadiid Dagaal oo badan lagaga furtay.

Ciidamada Puntland ayaa muddo ku dhaw 9 sano dagaal kula jira deegaano ka tirsan Buuraha Silsiladda Golis kooxo ku dhuumalaysta godad iyo Buuro halkaas ku yaala oo ah maleeshiyaad ka kala tirsan ururada islaamiga ee Daacish iyo Al-shabab oo ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

 

 

SOMALI NEWS

To Top