WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Maxaa ka jira in Hub Sucuudigu Soomaaliya ugu deeqay laga soo dajiyey Garoowe?-Warbixin

Hargeysa (Horufadhi News)- Qaar kamid ah Wargeysyada caanka ah ee kasoo baxa magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa qoray in Dowlada Somalia ay Hub ka dajisay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Hubkaan ayaa la sheegay in Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho looga raray Diyaarad khaas ah isla markaana laga dajiyay Garoonka magaalada Garoowe saddex maalmood oo toddobaadkii dhammaaday.

Wargeyska Geeska Afrika oo kamid ah kuwa ugu Afka dheer ee kasoo baxa deegaanada maamulka Somaliland, ayaa sheegay in Hubka markiisa hore ay Dowlada Soomaliya ka gudoontay Dowlada Sacuudiga oo bilihii ugu danbeeyay uu xiriir ka dhexeeyay.

Hubka oo noocyo badan ka koobnaa ayuu Wargeesku qoray in Garoonka Garoowe laga dajiyay toddobaadkii dhammaaday xili barqo aheyd, iyadoo mudada Hubkaasi uu dagaayay hakat la galiyay isku socodka Garoonka waxaana gabi ahaan diyaarada isku gadaamay ciidamo aad u hubeysnaa, sida uu qoray Geeska Afrika

Diyaaradan oo laga ilaaliyay in dadka shacabka ahi u dhawaadan markii shixnada hubka ah laga dejinaayay ayaa waxa la sheegay in hubkaasi yahay hub uu Sucuudigu siiyay dawladda Soomaaliya, oo ay dawladda Soomaaliyana deeq u siisay maamulka Puntland.

Ujeedka Hubka laguma sheegin mid loogu tallo galay in Puntland ay kula dagaalanto maamulka Somaliland iyo in lagu bixiyay taageero, hase ahaatee uu Hubkaasi gaadhay Puntland ayaa uun la sheegay.

Dowladaha Soomaliya iyo Sacuudiga ayaa horay u wada galay Heshiis ah in Sucuudigu hub ku taageero Somalia si loola dagaalamo xagjiriinta al-Shabaab waxa uuna Heshiiskaasi dhexmaray Dowladii hore ee uu hogaaminaayay Xasan Sheekh iyo Dowlada Sacuudiga.

Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa horaanta asbuuci tagay muddo dhowr jeer ku celcelshay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo taageero u muujiyay maamulka Puntland, hase ahaatee Dowlada Soomaliya ayaa iska fogeysay eedaasi.

Dhinaca kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa dhankiisa marar kala duwan ku baaqay in si dhaqsi ah lagu joojiyo dagaalka Tukaraq ee u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland.

SOMALI NEWS

To Top