WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cabdiweli Gaas oo ka hadlay waxyaabaha looga hadlayo Shirka Golaha Amniga oo maanta ka furmaya Baydhabo-Video

Baydhabo (Horufadhi News)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Baydhabo u jooga ka qeybgalka shirka amniga qaranka Soomaaliya , ayaa shirka ku sheegay inuu muhiim u yahay nabadda iyo xasillinta Soomaaliya.

“ Shirka wuxuu muhiim u yahay nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya… ajandayaal baddan baanna looga wadahadali doonnaa , arrimaha amniga , nidaamka cadaallada Soomaaliya iyo doorashada 2020 .”ayuu yiri madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Shirkan oo labo berri socon doonna wuxuu daba-socda dhowr shir oo xilli sii horreysay ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kuwaas oo looga hadlayay arrimaha ay ka mid ahaayeen dhismaha ciidammada qaran iyo maalgelintooda, waxaana hadda ku sugan Baydhabo oo shirka furi doonna madaxweynaha dowladda Federaalka , Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, sidoo kale dhammaan madaxda dowlad-gobolleedyada ayaa gaaray Baydhabo oo markii ugu horreysay shirka martigalinaysa.

SOMALI NEWS

To Top