WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cabdiweli Gaas oo oo Gaalkacayo ka sheegay in uu Burtinlle u joogay Colaada Gunburka Cagaare-Video

Madaxwaynaha Maamulka Puntland C.wali Cali Gaas  oo warbaahinta lahadlay markii uu soo gaadhay magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu sheegay.in uu ku faraxsanyahay imaantinkiisa magaalada Gaalkacayo, waxaana uu xusay  in isaga iyo weftigiisu ay muddo sadex cisho ah ugu sugnaayeen magaalada Burtinle daminta xaalada Colaadeed ee ka taagan Gumburka Cagaarre.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

C.wali Gaas ayaa sheegay inuu magaalada Gaalkacyo ku sugnaan doono Mudo Todobo Casho ah,  Wuxuuna xusay inuu ku Farsaxsan yahay inuu arkay magaalada Gaalkacyo oo Colaadii Heshiis laga gaadhay.

Siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Puntland ayaa C.wali gaas ku dhaliilay inaanu waxba ka qaban Colaada Labada Beelood dhexmartay, iyagoo xusay inay ka qayb galeen Ciidankii Puntland ee ku sugnaa Gaalkacyo.

SOMALI NEWS

To Top