WARARKA SOOMAALI

Imaaraadka oo wax ka qabanaya arrimaha Bani’aadanimo ee Soomaaliya-Akhriso

Wakiilka Imaaraadka Carabta u fadhiya Qaramada Midoobey ee New York, oo kaashanaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA), ayaa martigeliyay shir lagu taageerayo Dowladaha xubnaha ka ah qiimaynta xaaladda bani’aadamnimada iyo jawaabaha suurtagalka ah ee Geeska Afrika.

Kulankan ayaa lagu soo bandhigay sheekooyin ay soo saareen madaxda bani’aadminnimada ee Qaramada Midoobay ee dalalka Itoobiya, Soomaaliya, iyo Koonfurta Suudaan.

Xubnahan ayaa waxa ay isla meel dhigeen sidii loo xoojin lahaa Waxqabadka bani’aadamnimada ee ku jira gargaarka dibadda iyo gargaarka UAE-da.

Imaaraadka Carabta ayaa si aad ah uga walaacsan xaaladaha kala duwan ee Geeska Afrika, wuxuuna sheegay inuu xoojin doono wadashaqeynta uu la leeyahay OCHA si uu u iftiimiyo baahiyaha loo qabo in dadka Geeska Afrika wax loo qabto.

Kulanku wuxuu eegay labada baahiyood ee maalgelinta kuwaas oo si gaar ah ugu nugul Koonfurta Suudaan iyo sidoo kale fursado cusub oo ka hortag ah, si loo yareeyo dhibaatooyinka.

Imaaraadka Carabta ayaa bixiyay in ka badan $250 Milyan oo gargaar ah Saddexda dal iyo muwaadiniintooda tan iyo 2013, wuxuuna ugu dambeyn ku baaqay in la gargaaro dadka dhibaateysan

SOMALI NEWS

To Top