WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cabdiweli Gaas oo iibsaday sharaftii uu lahaa iyo warka uu imaaraadka ka sheegay-Video

Madaxweynaha Maamulka Puntland C.bdiweli Cali Gaas oo shir jaraa’id ugu qabtay Saxaafadda Caalamka magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka carabta, ayaa halkaa ka jeediyey Khudbad nuxurkeedu ahaa Dawladda Federaalka Somalia ma metesho dalka Sooomaaliya iyo gaar ahaan Puntland, Xidhiidhka Imaaraadka iyo Puntland aad ayuu u wanaagsan yahay, ayuu yidhi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa kale oo uu Abdiweli Gaas muujiyey oo caalamka u sheegay Dawladda Federaalka Somalia in ay metesho kaliya Mogadishu, si uu taas u muujiyana wuxuuna carabka ku adkeeyey “Soomaaliyana ma ahan Muqdishu, Muqdisho-na ma ahan Soomaaliya.”

C.weli Gaas wuxuu sheegay in Puntland Somalia dhul ahaan ka tahay 3 meelood hal qeyb, dad ahaana ka tahay 4 qeybood hal qeyb, Puntland tahay dawladda kaliya saaran badda cas iyo badweynta India, Dastuurka Puntland qorayo in ay heshiisyo caalami ah geli karaan, kuna dhaqmayaan dastuurkooda, dawladda Somalia go’aan ka gaari karin arimaha Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top