WARARKA SOOMAALI

Boosaaso Shirkada Somtel oo soo Bandhigtay adeegyo casri ah-Sawiro

Munaasabad balaadhan oo shirkada isgaadhsiinta Somtel ay ku soo bandhigeysay adeeg ay ugu magac dartay Kaamil ayaa lagu qabtay Hotel Gaceyte ee magaalada Bosaaso,iyadoo masuuliyiinta shirkada Isgaadhsinta Somtel ay sheegeen in barnaamijkan uu wax badan ka tari doono bulshada isla markaana uu ka haqabtiri doono adeegyo badan oo ay isticmaalaan macaamiisha Somtel.

Shirkadda isgaadhsiinta somtel ayaa maanta waxaa ay soo bandhigtay, barnaamij Cajab galiyey guud ahaan shacabka Puntland, barnaamikaas oo loo baxshay KAAMIL.

KAAMIL: waxaa uu kulminayaa adeegyada shirkadda Somtel, ku hadal, Internet iyo Fariimo (SMS), waxaa ay gaadhsiisay qiima dhimista meeshii ugu hoosaysay ee la gaadhsiin karo qiima dhimista, waxaana ugu muhiimsan oo ay shirkaddu kusoo kordhisay adeeg maalinle ah oo ay kuula socdaa hadal maalin dhan oo free ah.

Masuuliyiinta shirkada Somtel oo munaasabada ka hadlay ayaaa sheegay in barnaamijkan uu wax badan ka tari doono macaamiisha isticmaasha shirkada isgaadhsiinta Somtel, isla markaana uu xambaarsan yahay adeegyada ku hadalka,internetka iyo fariin qoraaleedka (Sms).

Marti sharaftii iyo macaamiishii kasoo qeyb gashay munaasabada lagusoo bandhigayay adeeggan ayaa shirkadda isgaariinta Somtel waxa ay ku bogaadiyeen adeegyadan horumarineed ee ay macaamiisheeda usoo kordhisay.

Adeeggan ay maanta soo bandhigtay shirkada Somtel ayaa laga heli karaa dhamaan xarumaha iyo laamaha bixiya adeega ku hadalka ee loo yaqaano Prepaidka (reselers).

SOMALI NEWS

To Top