WARARKA SOOMAALI

Daawo- Boqor Buurmadoow oo xabsigii laga sii daayay.

Waxaa magaalada Hargeisa  Xabsiga laga soo daayey  Boqor-Cismaan Buur-madow , Wuxuuna sheegay inaysan Jirin wax dambiya oo uu galay, oo isagu uu ogyahay, Islamarkaana uu Nabad ka shaqaynayey,

Wararka qaar ayaa sheegaya Damiin lagu soo daayey Boqor-buur Madow, Iyadoona Dhowaan Boolisku ay kusoo eedeeyeen Qaran dumis inuu yahay, Waxaa sidoo kale la sheegay inuu ka Beern Abuuray Madaxwaynaha Somaliland.

Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa maanta ku baaqay in Xoriyadiisa loo soo celiyo Boqor Buur-madoow, Isagoo sheegay inuu yimid meel kamid ah Dalkiisa.

DAAWO HADALKII LAGU XIDHAY BOQOR BUUR-MADOW 

Somaliland waxaa weli ku xidhan  Naciima Abwaan Qorane iyo Maxamed Kayse oo ah Dhalinyaro loo Xidhay Aragtidooda gaarka ah,  Waxaana Arinta Boqor Buur-madow lagu tilmaamay inay ahayd Kaar-jebin Bulshada Lagu Qancinayey.

Horufadhimedia.com

 

SOMALI NEWS

To Top