WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Cabdiwali Gaas oo fariin kulul u diray Maamulka Somaliland kana hadlay Xadhigii Boqor Buur-madow-Video

Madaxweynaha maamulka Puntland C.wali Maxamed Gaas oo saxaafadda Kula Hadlay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay inuu Dalka imaaradku u aadi Doono Adkeynta Xiriirka Kala Dhaxeeya, gaar ahaan Tababarkii iyo dhaqaalihii ay siin jireen Ciidanka Badda ee Puntland, kadib markii dhowaan Saraakiishii ku sugnayd Halkaasi ka baxeen.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhinaca kale C.wali gaas ayaa ugu Baaqay maamulka Somaliland in Xoriyadiisa loo Soo Celiyo Boqor Cismaan Buurmadow oo Kamid ah Isimada dhaqanka kaas oo dhawaan ka qayb galay Caleemo saaar ka dhacay Puntland, Kadibna lagu xidhay magaalada Hargeisa markuu ku noqday, Wuxuuna codsaday In La kala saaro Dhaqanka iyo Siyaasadda.

SOMALI NEWS

To Top