WARARKA SOOMAALI

Daawo Wareysi:-Cumar Cabdirashiid oo beeniyey in uu saxiixay Heshiiska Dekedda Berbera iyo Xidhiidhka ka dhaxeeya isaga iyo imaaraadka-Video

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa beeniyay inuu jiro wax heshiis ah ama is faham oo xukuumadiisa ay la gashay dowladda Imaaraadka Carabta.

Wuxuu sheegay in haddii uu jiro heshiis noocaasi ah aanu qarsoodi ahaadeen, isagoo ku eedeeyay dowlada hadda jirta ee ay hoggaamiyaan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre inay dacaayad ku fureen madaxdii hore.

HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA

Cumar C/rashiid oo u warramay VOA-da ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in dowladda hadda jirta ay caado ka dhigtay inay adeegsado wiilal yaryar oo warar been ah iyo dacaayad ka faafiya madaxdii hore, kuwaasoo wixii ay doonaan iska qora.

Xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka ayuu sheegay inuu yahay mid soo jireen ah oo dano badan oo ganacsi ku xiran yihiin, isla markaana ay tahay in laga fiirsado go’aanada dowladu qaadaneyso.

 

SOMALI NEWS

To Top