WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Beesha Bahararsame oo Dagaalkii Gunburka Cagaare dusha ka saaray Maamulka Punland iyo Beesha Cumar Maxamuud-Video

Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Maxamed Garaad (Bahararsame) oo Maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa si kulul uga hadlay dagaalka maalintii shalay kasoo Cusboonaday Deegaanka Gumburka Cagaare ee Koonfurta Gobolka Sool kaasi oo dhexmaray Beesha Cumar Maxamuud (Majeerteen).

HALKAN KA DAAWO VIDEO

WWaxay sheegeen in Beesha Cumar Maxamuud oo Garab ka helaysa ay maalin kasta soo qaado dagaal,“Maalinkasta oo Heshiis la galo waxaa Buriya Beesha Cumar Maxamuud iyo Maamulka Puntland oo Dabada ka Riixaya, Cida weerarka soo qaaday waa iyaga, Waxaanu u sheegaynaa in aanan dib uga Laaban doonin Gacmaha.”

Sidoo kale waxay sheegeen inay dagaalka ka qayb qaadanayaan Ciidamada maamulka Puntland ” Magaalooyin badan ayay kasoo baxeen Ciidankii Puntland, Dagaalkaasi ay wadaan iyagoo Deegaankaygii Nagu Haysta, meelaha uu dagaalku ka dhacayo maalin kasta waa deegaankaygii”

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo maalintii shalay uu deegaanka ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay, Sidoo kalana Colaada Labada Beelood ah ayaa mid oo noq-noqotay mudo 16-sano ku siman, Iyadoona ilaa hada aan Xal Rasmiya laga gaadhin.

SOMALI NEWS

To Top