WARARKA SOOMAALI

Toos u Daawo:-Munaasabadda Sanad guurada 74aad ee Ciidamada Booliska Soomaaliyeed-Video

Waxaa xilligan ka socota Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye Munaasabadda Maalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ka soo wareegatay 74-guuradii aas aaska Ciidamada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida ayaa ka qeyb galeyn munaasabadda xilligan ka socota Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye.

Hase ahaatee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galaya munaasabaddan, iyadoo ay wehliyaan Wasiirka Amniga, Kusimaha Taliyaha Booliska, mas’uuliyiin iyo saraakiil ayaa ka qeyb galaya munaasabadda.

Ciidamada Booliska ayaa ku soo bandhigay fantasiyo iyo dabaal degyo, iyo waxaa lagu soo bandhigay waxqabadkii Ciidamada Booliska iyo horumaradii uu sameeyay sanadihii u dambeeyay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top