WARARKA SOOMAALI

Ciidamadii ugu badnaa oo maanta gaadhay Deegaanka Gunburka-Cagaare,Puntland iyo Itoobiya oo…

Wararka naga soo gaadhaya deegaanka Gunburka Cagaare oo dhaca koonfurta fog ee Gobalka Sool isla markaana waqooyi kasoo xiga Gobalka Mudug isla markaana ay halkaas shalay ku dagaalameen Laba beelood oo kasoo kala jeeda Mudug iyo Sool ayaa waxaa wararku soo sheegayaan in ay halkaas maanta gaadheen ciidamo tiro badan oo ka socda Itoobiya.

Boqolaal kamid ah ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Dowladd Deegaanka Soomaalida itoobiya kuwaas oo loo yaqaan New Boolis ayaa soo gaadhay deegaanka iyaga iyo baabuurta gashaaman oo saaka hiirtii kasoo gudbay xadka.

Xaaladda ayaa degan maanta walow mar kasta uu dagaal beeleed qarxi karo,dhanka kale waxaa iyana deegaanka kusii qulqulaya boqolal maleeshiyaad Beeleed oo hubaysan kuwaas oo gurmad ahaan u gaadhaya goobtii lagu dagaalamay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay goor dhow iyana halkaas ku baxeen boqolaal kamid ah ciidamada maamulka Puntland oo aad u hubaysan.

Wixii warar ah ee kasoo kordha Horufadhi.com kala soco

SOMALI NEWS

To Top