WARARKA SOOMAALI

Ciidanka Puntland oo si halis ah gacanta ugu dhigay hub iyo Qaraxyo

Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihi lasoo dhaafay duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolkaas ka sameeyay howlgal saacado dhow ah qaatay, kaasi oo la helayo faah faahino.

Ciidamada amniga ayaa inta uu socday howlgalka kusoo qabteen waxyaabo laga sameeya Qaraxyada iyo Keyd hub ah oo ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Puntland inay lahaayeen Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in hubka lasoo qabtay uu ku keedsanaa Godad ay ka qoteen buuralayda Galgala, kadib markii ay Warbixin la wadaageen ku aadan hubkaas la wadaageen dadka deegaanka.

Amaanka Magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, waxaana halkaas ka socda howlgalada Ciidamada Amniga ay ka sameenayaan gudaha iyo duleedka Magaalada

SOMALI NEWS

To Top