WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Rooble oo ka hadlay dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhacdadaasi, oo lagu khalkhalgelinayey ammaanka caasimadda, iyadoo aan la dhawrin xurmadda bisha barakaysan ee Ramadan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dadka iyo dhinacyada ku lugta lahaa rabshadahaasi ugu baaqay in nabadda la dhawro, isla markaana loo turo shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray ciidamada qaranka iyo laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka muwaadiniinta. Mudane Rooble ayaa ciidanka ku adkeeyey inay ka hortagaan khatar walba oo lala damacsan yahay amniga.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Ra’iisul Wasaare Rooble.

SOMALI NEWS

To Top