WARARKA SOOMAALI

Cali Gurey oo kashifay sirta heshiiska Dekede Berbera Lagu Wareejiyey ”Mar Haddii 65% DP World Leedahay 19% Itoobiya Lagu Sheegay Maxaynu Leenahay :Video

Gudoomiye-ku-xigeenkii 3aad ee hore ee Xisbiga UCID  Cali Gurey, ayaa wax layaab leh ku tilmaamay wararka hadda soo ifbaxaya ee ku saabsan saamiga cusub ee Xukuumada Axmed Siilaanyo  sheegtay in dawladda Itoobiya ku leedahay Dekedda Berbera, iyo sidoo kale, Dekedda Milateri oo dhismaheedu ka socdo nawaaxiga Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Berbera.

Mar uu ka hadlayay saamiga Itoobiya,horay waxaa naloogu sheegay in 65% Dp World leedahay 35% Somaliland ,magaranayno halka laga keenay 19% Itoobiya qaadatay matii Somaliland baa laga jaray ,warka wasiirka ganacsigu makala cada oo waa yacyacood.Manu garanayno in 3geesood heshiisku ahaa.

Mar wax laga waydiiyay deked laga wado dhismaheeda nawaaxiga Madaarka Berbera ayuu ku jwaabay.

Inkastoo heshiiska Berbera anigu markii horeba ku qanacsanayn waxay ahayd in markale golayaasha lagu celiyo.

Hase-yeeshee, inaga laynooma sheegin in Dekedda Milateri laga dhisayo Berbera, waxa’se laynoo sheegay in la kordhinayo Dekedii weynayd, wixii aan intaa ahayn waa wax inagu cusub. Dhulka iminka laga shaqaynayo ee caga-cagafyada la geliyey, oo la leeyahay qof Soomaali ahi-ba kama shaqaynaayo, waa war inagu cusub, hadii ay tahay Deked Milateri isticimaalayo, anigu sharciyadeeda ma ogi, qodobada heshiiskii la sheegaye

Su,aasha shacabka Somaliland iswaydiinayaan ayaa ah mar haddii DP World qaadatay 65% Itoobiyana 19% Somaliland Imisa ayay leedahay Ma 16%???

HALKAN RIIX VIDEO DAAWO

SOMALI NEWS

To Top