WARARKA SOOMAALI

Buuhoodle Caaqil Maxamuud Xaaji Ibraahim (Dhunkaal) oo ku dhintay shil naxdin leh..

Buuhoodle ( HM ) Gaadiidka Qaadka oo Xawaare Xoogan ku socda inta badan ayaa maanta Duhurkii Shil Naxdin badan ka gaystay magaalada Buuhoodle.

Alle ha u naxariistee Caaqil Maxamuud Xaaji Ibraahim (Dhunkaal) oo kamid ahaa Cuqaasha deegaanka, Ayaa Isagoo Salaadii Duhur kasoo baxay ayaa Laba gaadhi oo QAAD sida oo is Caydhsanaya ku Jiidheen Badhtamaha magaalada Buuhoodle.
Waa masiibo dhibka ay gaystaan aan la tirin Gaadiidka Qaadka iyo masuuliyad darrada ay ku socdaan Xiliyadda ay Qaadka Keenaan.

Waxgaradka iyo maamulka deegaanka Waxaa la gudboon in Shuruc adag laga soo saaro Gaadiidka Qaadka Xawaaraha ay ku socdaan, Si looga baaqsado dhibaatooyin hor leh oo ay gaystaan.

SOMALI NEWS

To Top