WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Cabdiraxmaan Cirro oo aan waxba u reeban Muuse Biixi iyo Xisbigiisa Kulmiye-Video

Hargeisa  ( HM ) Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeisa, Wuxuuna si kulul uga hadlay Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Somaliland intii uu Maqnaa.

Cirro ayaa sheegay  in Somaliland lawada leeyahay inaanay maanta jirin, Isagoo ka hadlay Go’aankii kasoo baxay  Kulmiye iyo Ucid , Wuxuuna ku tilaamay  Shahaadadii dhimashada Diimuqraadiyadda iyo Jiritaanka Somaliland,  Wuxuuna sheegay inay tahay Tallaabo Dildilaac ku Keeni karto  Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuuna Tusaalle ugu soo qaatay gabaygii Aadan Carab AH “Nin Ambaday Halkuu Aaday way ula Ekoonayd’e, Anigoo Arkaayaan Toggii Eerigoo Maray”.

C.raxmaan Cirro wuxuu Beesha caalamka u sheegay inay  diyaar u nahay doorasho, iyo inay miiska wadahadalka Fadhiistaan, Wuxuuna Su’aal iska waydiiyey sida ay Somaliland ula hadli karto DF Soomaaliya, Xili aysan dhexdeeda Wadahadli Karin oo wada socon.

Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Wuxuu sidoo kale kahadlay   Haweenkii dhulkooda lagala wareegay oo dhowaan Muuqaal laga duubay oo Murugo dadka ku Beeray, Muwaadiniin danyar ah lacago badan lagu Xukumay ,   Saxafiyiin la xidhig iyo dhibaato loo gaystay isagoo Xusay Tifatirihii Bulsho TV oo Misigta laga Jebiyey iyo Cabdimaalik Coldoon oo burco laga soo xidhay.

C.raxmaan Cirro wuxuu sidoo kale ka hadlay doodii dhowaan ay Somaliland ka bilaabeen Dr. Cali Khaliif Galaydh iyo   Prof. Axmed Samatar.

SOMALI NEWS

To Top