WARARKA SOOMAALI

Baarlamaanka Soomaliland oo wada qorshe xilka lagaga qaadayo Faysal Cali Waraabe kadibna lagu xidhayo.

Hargeisa ( HM ) Baarlamaanka maamulka Somaliland ayaa ku dhowaaqay inay  Inay kalsoonidii kala Noqdeen Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe.

Waxayna ku eedeeyeen Kicin dad wayne iyo Hadalo uu dhowaan ku Weeraray Gudoomiyaha Baarlmaaanka Baashe Maxamed Faarax iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag.

Golaha  Wakiilada  Somaliland ayaa xeer ilaalinta ugu baaqay in ay eedo la xidhiidha kicin dadweyne ku soo oogto guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddida joogtada ah ee Golaha wakiillada ayaa sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen Faysal Cali Waraabe, oo aanu meteli doonin Xisbiga ucid, waxayna soo jeediyeen inaan wax wada shaqayn ah lala yeelan.

Eedaymaha loo jeediyey Faysal Cali Waraabe  Waxaa ka dhalan kara 6 bilood illaa 5 sano oo xadhig ah.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Faysal Cali Waraabe oo ku aadan eedaymaha loo jeediyey iyo Xil ka Xayuubinta Baarlamaanku ku sameeyay.

Faysal ayaa tan iyo markii uu Siyaasadda ku jiray ku caanbaxay Hadalada dhaliisha ah, waxaana sidoo kale dad badan ay ku tilmaamaan siyaasin aan la gaban aragtida uu qabo.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top