WARARKA SOOMAALI

Cali Khaliif iyo Muuse Biixi oo mudo kadib kulan ku yeeshay Hargeysa.

Laascaanood ( HM ) Waxaa magaalada Hargeisa   Xalay kulan ku yeeshay  Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwaynihii Khaatumo Dr. Cali Khaliif galadh oo ay kala fogaayeen tan iyo markii Muuse Biixi la doortay Sanadii 2017.

Kulanka dhexmaray   ayaa u muuqda midkii ugu horeeyay ee Noociisa ah oo ay yeeshaan tan iyo markii la doortay Muuse biixi, Waxayna ka wada hadleen arimo kala duwan, sida ay warbaahinta xogta ku heshay.

Madaxwaynihii Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ayaa 2017-kii magaalada Caynaba heshiis kula saxeexday xukuumadii Axmed Siilaanyo, Kaasi  oo ka koobnaa lix qodob ayaa waxa uu fulintooda ka sugayay xukuumada  Muuse Cabdi , Balse halkii lagama qaadin heshiiskaasi.

Qodobada heshiiskan ku jiray ee Galaydh doonayo in xukuumada Madaxwayne Biixi fuliso waxa ka mid ah in ”Dastuurka Somaliland la furo” si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaaladda iyo sinnaan.

Waxa kale oo ka mid ah qodobbada ku jiray heshiiska Somaliland iyo  Khaatumo isla-markaana fulintooda laga sugayo xukuumada Biixi in laga shaqeeyo sidii hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah uga hawl-gali lahaayeen Deegaannada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle.

Prof. Cali Khaliif galaydh ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Hargeisa, Wuxuu dhowaan warbaahinta kasoo muuqday isagoo kormeeya goobo ku yaala magaalada Gabiley, dad badan ayaana ku dhaliila inuu maamulkii loo doortay iyo Masiirkii ummada la fadhiistay Hargeisa.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top