WARARKA SOOMAALI

Baarlamaanka Soomaaliya oo isku raacay in ay Sharci daro ahayd in Itoobiya loo dhiibo Qalbi-Dhagax-AKhriso..

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka oo maanta la horkeenay warbixintii Guddiga loo xil saaray kiiskii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa sharci darro ku tilmaamay dhiibista Qalbi Dhagax.

Guddoomiyaha Guddiga baaritaanka kiisma Xildhibaan Cali Xoosh ayaa warbixin dheer ka hor akhriyay Xildhibaanada, isagoo xusay in heshiisyadii ay cuskatay Xukuumadda ee dowladdii hore gashay aanu aheyn heshiis isku celin maxaabiis.

Waxaa uu sheegay in heshiisyadaas ahaa mid iskaashi oo lagu xalinayay xaalado amni oo ka jira xuduuda, gaar ahaan ay wada galeen dowlad goboleedyada Soomaaliya iyo dowlad deegaanka Itoobiya.

Taliska Nabadsugida ayaa lagu eedeeyay dhiibista Qalbi Dhagax inay si qaldan u maareeyeen oo aanay u marin hab sharci ah, isla markaana aan lagala tashan Hey’adaha Garsoorka dalka.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in arrinta Kiiskan aan Madaxda dowladda laga siin macluumaad sax ah, taasoo u muuqata in Mas’uuliyadda dhiibistii Qalbi Dhagax in dusha laga saarayay Taliskii hore ee Nabadsugida.

Xildhibaanada ayaa warbixinta kaddib dood ka yeeshay, waxaana jiray Xildhibaano ka hadlay qaabkii lagu dhiibay Qalbi Dhagax inay aheyd mid qalad, isla markaana Madaxda warbixinta la siiyay ay aheyd mid qaldan.

Hase ahaatee Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in hadii ay Madaxda ogeyd dhiibistiisa Qalbi Dhagax ay tahay mid nasiib daro ah, hadii aanay ogeyn oo lagu gaadayna aysan hoggaan dalka u noqon karin.

Xildhibaanada ayaa isku raacay in ay Sharci darro aheyd dhiibistii Qalbi Dhagax, loona baahan yahay in ay Jawaab ka bixiso Xukumadda Soomaaliya.

Intaas kaddib Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa dalbaday in cod loo qaado Warbixinta Guddiga, iyadoo 152 Xildhibaan ay ogolaadeen warbixintan, halka 6 ay diiday waxaa ka aamusay 3 Xildhibaan.

Arrintan ayaa ka dhigan in Golaha shacabka ay laaleen Qaraarkii Xukuumadda gaartay 6-dii bishii September ee ahaa dhiibistii Qalbi Dhagax, iyadoo laga soo qaaday dhiibidaas inay aheyd mid sharci darro ah.

SOMALI NEWS

To Top