WARARKA SOOMAALI

Axmed Madoobe oo ka hadlay Suldaanka dilkiisa lagu eedeeyay ee Xalay Kismaayo ka dhacay..

Kismaayo (HM) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si kulul uga hadlay dil xalay gudaha magaalada Kismaayo loogu geystay Suldaan Cabdirashiid Suldaan Muuse Shire (Suldaan Dure), kaas oo ahaa Suldaankii guud ee Beesha Samaale.

Axmeed Madoobe ayaa marka hore ka Tacsiyeey geerida ku timid Suldaanka, wuxuusha tilmaamay inuu aad uga xun yahay dilkiisa.

Sidoo kale wuxuu xusay in Suldaan Dure uu laf dhabar u ahaa Midnimada iyo Nabadda Shacabka reer Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale faray saraakiisha laamaha amniga inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan dilkaasi, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigaan kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa shaaciyey in dilka Marxuumka loo adeegsaday Qori AK47 ah, islamarkaana ay ku raadjoogaan ninkii fuliyey.

Wasiir Darwiish ayaa tilmaamay in weli ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan dhacdadaasi.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka ayaa dilka Suldaan Cabdirashiid Dure oo xalay ka dhacay isgoyska Caasha Deerow ee magaalada Kismaayo ku eedeeyey mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland, gaar ahaan madaxweyne Axmed Madoobe.

SOMALI NEWS

To Top