WARARKA SOOMAALI

Amisom oo Qorshe Halis ku Ah Al-shabaab Bilaabaysa Bisha Ramadaan Dhexdeeda +Video

Taliska ciidamada Amisom ayaa shaaca ka qaaday iney duulaan ku yihiin AlShabaab-ka ku sugan gobollada Koofurta Soomaaliya.

Shir Jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay Taliyaha guud ee ciidamada Amisom Gen. Cusmaan Nuur Subagle ayaa waxaa uu sheegay in la qorsheeyay howlgal ka dhan ah kooxda AlShabaab.

RIIX HALKAN: DAAWO 

Howlgalkan ayuu sheegay iney bilaabi doonaan inta lagu jiro bisha Ramadaan gaar ahaan ay isku furi doonaan wadada xariirisa Baydhabo ilaa Muqdisho.

AlShabaab ayaa gacanta ku hayo deegaano badan oo katirsan Gobollada Bay, Bakool iyo Shabeelooyinka taas oo keentay iney adkaato isu socodka gaadiidka.

 

SOMALI NEWS

To Top