WARARKA SOOMAALI

Daawo: Silaca ay marayaan Dadka Garoonka Aadan Cadde ka raaca Diyaarada Turkish Airlines….

Tan iyo markii la qarxiyay diyaaraddii Daallo Airlines, waxay shirkadda duulimaadka Turkish Airlines iyo ciidamada booliska ee ka howlgala garoonka diyaaraddaha Muqdisho ay bilaabeen in boorsooyinka labo jeer ay baaraan eeyaha u tababaran urinta walxaha qarxa iyo hubka.

Inkastoo duulimaadyada caadiga ah ee gudaha iyo dalalka deriska maaraan labo baaritaan oo eeyaha wax uriya ah, waxayna lugta koowaad marayaan albaabada ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM oo gaadiidka ay baaraan eeyaha, halka lugta labaad ciidamada booliska Somalia ku marsiiyaan gudaha garoonka oo boorsooyinka uu baarayo eey gaar u tababaran.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Rakaabka raacaya diyaaradda Turkish Airlines ayaa waxaa u dheer eey ku baaraya boorsooyinkooda irida diyaaradda, iyadoo la safayo boorsooyinka kadibna lagu soo deynaayo eeyga oo mid mid u urinayo.

Tallaabadaasi ayaa dad badan ay kasoo horjeedaan, laakiin waa tallaabo muhiim ah oo amnigooda iyo tan diyaaradda lagu badbaadinaayo.

 

SOMALI NEWS

To Top