WARARKA SOOMAALI

Xog: Maxaadan ogeyn oo ka socda Dekadda magaalada Kismaayo +video

Wararka aan ka heleyno Dekadda Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maamulka Jubbaland uu dib u bilabay dhoofinta Dhuxusha.

Wararku waxa ay sheegayaan in labadii asbuuc ee ugu danbeysay Dekadda laga dhoofinaayay dhuxul aad u farabadan oo kusii jeeda dalka Kenya.

Dhuxusha ayaa la sheegay inay dhoofinayaan Ganacsato si dhow ugu xiran maamulka, waxaana dhoofinta barbar socda lacago la sheegay inay qaatan maamulka Jubbaland iyo Saraakiisha Kenya ka jooga Dekadda.

Dhuxusha ayaa waxaa rarata sida la sheegay Ganacsato kasoo jeeda magaalada Mambasa iyo dhulka ay degaan Soomaalida.

Inta la xaqiijiyay ilaa laba Markab ayaa dhuxusha lagu daabulay, kuwaa oo u jiheystay dhanka Kenya, sida laga soo xigtay Sargaal ka tirsan ciidamada Xoogga dalka.

Dowlada Kenya iyo maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale dhawaan kala saxiixday Heshiis hoosaad dhigaaya dhoofinta Dhuxusha.

QM ayaa horay u mamnuucday dhoofinta Dhuxusha sharci darada ah, iyadoo maamulka Jubbaland iyo Kenya ku eedeysay inay ciribtireen dhirta.

HALKAN RIIX VIDEO DAAWO

SOMALI NEWS

To Top