WARARKA SOOMAALI

Allah ha u naxariistee Marxuum Yaasiin Ahmed Sulub oo lagu Aasay Adis-Ababa maanta.

Wasiirkii hore ee Arimaha gudaha Marxuum Yaasiin Ahmed Sulub ayaa lagu aasay caasimada Ethiopia ee Adis Ababa, sida uu noo xaqiijiyey Marxuumka walaalkii Abdirashiid Ahmed Sulub, marxuumka oo markii hore lagu waday in Buuhoodle lagu aaso ayaa waxa dheereeyey oo wakhti badan qaatay baadhitaan caadi ka ah dalka Ethiopia oo lagu baadho qofka sida Hal haleelka ah u dhinta, ayadoo sidoo kalena ay baadhitaanka codsatay safaaradda Britain ee dalkaas oo uu dhalashadooda haystay.

Ugu danbeyntiina maanta ayaa lagu aasay Adis Ababa, ayadoo aaskiisa dad badan oo Soomaaliyeed iyo Muslimiin kaleba ka soo qaybgaleen.

 

Allah u naxariistee Yaasiin Ahmed Sulub ayaa geeridiisa si weyn looga dareemay deegaamada Khaatumo STate oo dhan.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top