WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Soomaliland oo ku hungowday tallaabo ay ka filaysay Abiy Ahmed & walaac xooggan.

ADDIS ABABA (HM)– Isbedelka hogaanka Itoobiya ee uu bishii April 2018 ku yimid ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa dooriyey siyaasadda Itoobiya ee ku wajahan gobolka Geeska Afrika si gaar ah Soomaaliya.

Somaliland, oo sheegta madax banaani tan iyo 1991-dii, ayaa xidhiidh dhow la lahayd xukuumadda Addis Ababa kahor Abiy gaar ahaan iskaashiga dhanka ammaanka, siyaasadda, ganacsiga iyo danaha ka dhaxeeya.

Taas bedelkeeda, markii uu Abiy xafiiska yimid waxaa hoos u dhac uu ku yimid cilaaqaadka, iyadda oo wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa uu xiriir wanaagsan la yeeshay dowladda Muqdisho.

Sidda lagu daabacay wargeyska The Reporter Ethiopia, Somaliland ayaa ku hungowday talaabo ay ka fileysay Abiy oo ahayd in uu sii wadi doono xidhiidhka wanaagsan iyo in uu qoondo u sameyn doono.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda maamulka Hargeysa ayuu jaraa’idka kasoo xigtay in ay walaac ka qabaan arrintaas.

Si gaar ah waxay walwal ka qabaan in Abiy uusan wali soo magacaabin Qunsulka Itoobiya u fadhinaya magaaladda Hargeysa ee xarunta maamulka aan la aqoonsaneen ee dhaca waqooyiga dalka leh Xeebta labaad ee ugu dheer qaaradda Africa oo dhan, tan iyo markii uu muddo xileedka ka dhamaaday mas’uulkii hore.

Maamulkii Abiy ka horeeyay ayaa Somaliland ula macaamili jiray “waddan” ahaan iyaga oo eeganaya danahooda gobolka Geeska Afrika.

Somaliland ayaa sidoo kale walaac ka qabta fal-dambiyeedyadda kusoo badanaya sohdinta labadda dhinac oo ay ka leeyihiin iskaashi sidii loo wadda sugi lahaa ammaanka loogana hortagi lahaa amni daradda.

Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy oo horey u kulmay ayaa waxay ku guuldereysteen in ay is-afgarad ka gaaraan dhanka wada hadaladda dowladda Farmaajo oo xulufo muhiim ah u ah Dr Abiy Axmed.

Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale shaki ka muujiyey heshiiska saddex-goosaadka oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea, kaasoo ay ku xoojinayaan danahooda dhaqaale iyo mid amni.

Inkasta oo ay jiraan caqabadahan, mas’uuliyiinta Somaliland ayaa kalsooni ka muujiyey, sidda ku xusan warbixinta wargeyska, in uu dib u soo noolaan doono xidhiidhka kala dhaxeeya Itoobiya oo galeysa siyaasad cusub.

“Si dhow ayaanu ula socon doonaa siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya oo ah dal xulafo oo muhiim noo ah,” ayay daboolka ka qaadeen.

Gooni u goosadka Somaliland ayaanan wali helin aqoonsi caalami ah, waxaana adduunyadda u aqoonsan tahay maamul hoostaga dowladda federaalka Soomaaliya, maamulkan ayaa lagu eedeeya cabudhinta xuriyada iyo ku tumashada arrimaha xaquuuqul iinsaanka iyadoo ka afkaar duwanaanshaha qadiyada maamulkaas ay Xabisayada ugu jiraan boqolaal ruux garsoor la,aan.

Sidoo kale tiro inta Xidhan ka badan waxay isaga carareen deegaanka iyagoo baxsad ku jooga dalalka deriska ah iyo yurub halka qaar kalena ay iska dhiibeen Magaalada xarunta ah ee Xamar halkaasoo ay kusoo dhaweeyaan Madaxda Dowladda Federaalka, Dadka baxsaday iyo kuwa xidhan garsoor la,aanta waxaa ugu badan Suxufiyiin iyo Dad u olaleeya doorka nabadda iyo isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed kuwaasoo galabsaday safaro ay ku tageen Magaalada xudunta u ah dalka dhaca Geeska qaarada, kuwa kalana waxaa ay galabsadeen afkaar ay ku soo qoreen barahooda Bulshada arrimahaasoo soo de dejiyey in loogu hanjabo xadhig sidaasna ay uga baxsadaan deegaanka.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top