WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Ninkii damacsanaa inuu isku Qarxiyo Xaflad ka dhacaysay Degmada Guriceel oo la xukumay.

Muqdisho (HM) – Maxakamada darajada koowaad Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku riday labo eedeysane oo uu ku jiro ismiidaamiyihii isku qarxin rabay 23-kii May ee sanadkan xaflad ay ku sugnaayeen madax ka tirsan Ahlu Sunna oo ka dhaceysay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka.

Eedeysanaha koowaad Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan oo ah ninkii fulin rabay qaraxa ismiidaaminta ayaa lagu xukumay xasbi daa’in, sida uu go’aanka ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute).

HALKAN KA DAAWO

Sidoo kale Cali Dhubad Nuure Siyaad oo lagu eedeeyey inuu la shaqeynayey ninkaasi, islamarkaana ay ka wada tirsanaayeen Al-Shabaab ayaa isna lagu xukumay xabsi daa’in.

Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in labada eedeysane lagu helay dambigii lagu soo oogay, islamarkaana ay qirteen, basle wuxuu tilmaamay inay heystaan fursad kale oo ay ku qaadan karaan racfaan, hadii aysan ku qanacin go’aankan maxkamadda ciidamada.

Ismiidaamiyaha la fashilyey ee Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan ayaa xilliga la qabanayey xirnaa jaakadda qaraxyada, waxaana isku duubay askari ka tirsan ciidamada ururka Ahlu Sunna Waljamaaca, kaas oo suura-galiyey in la fashiliyo qaraxa, lana qabto ninkaasi.

 

SOMALI NEWS

To Top