Garoowe ( HM ) Ciidamo ka tirsanaa maamulka Somaliland gaar ahaan Guutada 93-aad oo Fadhigoodu ahaa magaalada Ceel-buh ee Gobolka sanaag ayaa maanta ku Biiray Puntland, Waxaana soo dhowayn u sameeyay Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Puntland.
HALKAN KA DAAWO
Maamulka Gobolka Sanaag, Saraakiisha ciidamada Difaaca Puntland ee Gobolka Sanaag iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Puntland ayaa soo dhaweeyay Ciidamadaan oo uu hogaaminayay Gaashaanle Mustafe Siciid Toor.
Dhankooda Ciidamada Soo goostay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeeyaan Bulshadooda, diyaarna ay u yihiin in ay qayb ka noqdaan Ciidamada difaaca Puntland, Waxayna ka Warbixiyeen Sababta keentay Inay ka goostaan Ciidamada Somaliland.