Muqdisho (HM) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale ka hadlay dhibaatada dadka Soomaaliyeed kasoo gaarta weerarada Al Shabaab ka fuliyaan Soomaaliya.
Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, ayuu sheegay in loo baahan in heshiis laga helo Al Shabaab si loo badbaadiyo dhiiga shacabka Soomaaliyeed.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibaatooyin badan u geysatay Al Shabaab, islamarkaana dhankooda Al Shabaab ay dhibaato u geysteen Shacabka, taasina loo baahan yahay in laga gudbo.
Wuxuu su’aalo ka keenay ilaa waqtiga ay sii socon karaan dhibaatada dadka shacabka loo geysanayo, maadaama labada dhinac ay dad Soomaaliyeed dhexdooda ku dhimanayaan.