Siyaasiga Axmed Maxamed Xasan (Gacmo-yare) oo Horay usoo Noqday Wasiirka Warfaafinta ee Khaatumo ayaa ka hadlay ugu horayn Heshiiskii dhowaan Caynaba ku dhexmaray Dr. Cali khaliif iyo Axmed Maxamed Siilaanyo.
“Laba Oday ayaa Caynaba ku sheekaystay, Khaatumo iyo Somaliland Heshiis ma gelin, Dadka Reer Khaatumo inay Soomaali ka go’aan Marnaba kama aysan Hadlin, Somaliland kuwa la baxay Intay Soomaali diidan yihiin anagu waxaanu diidanahay Maamulkooda “ Ayuu yidhi.
Isagoo kahadlayey Arimaha Doorashooyinka Somalland ayuu sheegay inaysan ahayn wax Qusayeeya Deegaanada Khaatumo, Wuxuuna shacabka ugu baaqay inaysan u kala Hiilin Saddex Nin oo Ilmaadeer ah.
Axmed Gacmo-yare Mar uu ka hadlay Hadalkii dhowaan kasoo yeedhay maamulka Puntland ee lagu sheegay inaan Gobolada Sool iyo Sanaag ka dhici doonin doorashada Somaliland ayuu yidhi ” In badan waxaad Maqasheen War Murtiyeed soo baxay, Balse Fadhigii Baarlamaanka Puntland waxaa kasoo Baxay War-Caruureed. “
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Ugu dambayntii wuxuu sheegay in Guud ahaan Soomaali uu Madaxwayne u yahay Farmaajo, Halka uu R/wasaare u yahay Xasan Cali Khayre, Wuxuuna sheegay in la joogo wakhtigii Xaqiiqda la Wajahi lahaa oo dalka la dhisan lahaa intii caadifad meel la iska dhigo.