Waxaa maanta Warbaahinta magaalada Garoowe Kula hadlay Odayaal, Nabadoono iyo siyaasiyiin ka tirsan Madasha Samata Bixinta Puntland, Waxayna si adag uga soo Horjeesteen Xubno ka tirsan Madasha oo maalintii shalay Xabsiga la dhigay kadib Amar kasoo baxay C.wali Gaas.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Waxay sheegeen in si xun loo Jidh dilay Dr. Cabdiraxmaan Siciid Dhegaweyne iyo Daahir Cirro oo horay usoo Noqday Xildhibaan, Kuwaasi oo ka mid ah Madasha Samatabixinta Puntland.
Masuuliyiinta laga Xidhay Waxay xuseen in lagu xidhay Inay ka hadleen Fikerkooda, oo ay kasoo Horjeesteen Shirkii Kismaayo, waxayna sheegeen in hadii lagu eedaynayo inay Madal sameeyeen, uu C.wali Gaas isaguba Madal kusoo sameeyay Kismaayo, Waxayna sheegeen inaan la Aqbali doonin Shacabka iyo Xoriyada Fikerka oo la Cabudhiyo.