WARARKA SOOMAALI

Daawo:Xubno ka mid ah Madaxdhaqameedka Beesha Subeer awal oo wali ku sugan Laascaanood si ay Muuse Biixi cod ugu sabsabaan-Video

Waxaa magaalada Laascaanood soo gaadhay Maanta Madax dhaqameed iyo Waxgarad ka socday Beesha Subeer Awal, Kuwaasi oo uu kasoo jeedo Muuse Biixi, Waxayna Halkaasi kulmeen Odayaal kasoo jeeda deegaanka, Iyadoona ay kala Hadli doonaan Sidii Loo taageeri Lahaa Muuse Biixi Cabdi.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Odayaasha Beesha Subeer Awal ayaa dhowaan magaalada Burco waxay Heshiis kula soo Galeen Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Habarjeco, Iyagoona Warbaahinta ka sheegay inay isla meel dhigeen inay Codka Siiyaan Muuse Biixi Cabdi oo ah Musharaxa Xisbiga Kulmiye ee Doorashada Somaliland.

Dad badan ayay la yaab ku noqotay Dhacdooyinkan is xigay, Waxaana  Xiliyada Doorashada la Arki Jiray Siyaasiyii iyo Xisbiyo Sameeya Olole Doorasho Balse, Haday waxaynu u Joognaa iyadoo loo samaynayo Qabiil Qabiil.

 

SOMALI NEWS

To Top