WARARKA SOOMAALI

Daawo:Xubno isku magacaabay Madasha Samatabixinta Puntland oo Cambaareeyay xadh Cabdiweli Gaas kula kacay shalay Qaar kamid ah-Video

Waxaa maanta Warbaahinta magaalada Garoowe Kula hadlay   Odayaal, Nabadoono iyo siyaasiyiin ka tirsan Madasha Samata Bixinta Puntland,  Waxayna si adag uga soo Horjeesteen Xubno ka tirsan Madasha oo maalintii shalay Xabsiga la dhigay kadib Amar kasoo baxay C.wali Gaas.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Waxay sheegeen in si xun loo Jidh dilay  Dr. Cabdiraxmaan Siciid Dhegaweyne  iyo Daahir Cirro oo horay usoo Noqday Xildhibaan, Kuwaasi oo ka mid ah Madasha Samatabixinta Puntland.

Masuuliyiinta laga Xidhay Waxay xuseen  in lagu xidhay Inay ka hadleen Fikerkooda, oo ay kasoo Horjeesteen Shirkii Kismaayo, waxayna sheegeen in hadii lagu eedaynayo inay Madal sameeyeen, uu C.wali Gaas isaguba Madal kusoo sameeyay Kismaayo, Waxayna sheegeen inaan la Aqbali doonin Shacabka iyo Xoriyada Fikerka oo la Cabudhiyo.

SOMALI NEWS

To Top