WARARKA SOOMAALI

Daawo:Madaxweynaha iiraan Xasan Rooxaani oo jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Donald Trump ka mareykanka-Video

Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa si kulul ugu jawaabay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasoo ahaa inuu saxiixaya heshiiskii Nuclear-ka ee sanadkii hore lala galay Iiraan.

Donald Trump ayaa ku eedeeyay Iiraan inay taageerto argagixisada, hase ahaatee Madaxweyne Xasan Ruuxaani ayaa ku gacan seyray hadalkaas oo waxba kama jiraan ku tilmaamay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Xasan Ruuxaani ayaa sheegay in Trump aanu waxba ka aqoon heshiiskaas, isla markaana aanu aheyn heshiis u dhaxeeyay Mareykanka iyo Iiraan.

Ruuxaani ayaa sheegay in Iiraan ay u aragto heshiiskaas Nuclear-ka mid dhinacyo badani ku heshiiyeen isla markaana ay dhaqan gelin doonto ilaa inta dalalka kale ee khusaysa heshiiska ka dhaqan gelinayaan.

Cadaadiska Trump ayuu ku tilmaamay in aanay wax saameyn ku yeelan doonin, isla markaana ay iiraan marnaba liici doonin, oo ay sii laba laabi doonto kartideeda dhanka difaaca ah

Dalalka quwadaha weyn ee wax ka saxiixay heshiiskan ayaa ka soo horjeestay hadalkii Donald Trump uu ku sheegayo inuu hakinayo saxiixa heshiiskaas.

 

SOMALI NEWS

To Top