Madaxweynaha maamulka Garoowe Cabdiweli Gaas ayaa maanta ku dhawaaqey gole wasiiro oo cusub oo u badan Wasiiru dowlayaal iyo wasiiro ku-xigeeno. Cabdiweli Gaas a ayaa buuxiyey xilka wasiirka Warfaafinta oo muddo 9 bilood ah aan wasiir lahayn, sidoo kale qaar kamid ah Wasiiru dowlayasha ayuu isku badley halka uu keeney kuwo cusub oo aan horey u jirin.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Wasaarad aan horey u jirin ayuu sameeyey Cabdiweli Gaas waxaana loogu magacdarey Dib-udhiska iyo Horumarinta Puntland. Tirada Golaha Wasiirada ayaa noqoneysa tii ugu badneyd ee abid soo marta Puntland.
- Waxaa Cabdiraxmaan Barkhad Warsame Wasiirka, loo magcaabay Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka.
- Waxaa Cabdikhadar Faarax Shaaciye loo magcaabay Wasiirka Dib Udhiska Iyo Horumarinta Puntland.
- Waxaa Maxamuud Faarax Beeldaaje loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyadda.
- Waxaa Yaasiin Cabdi Seed loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
- Waxaa Cabdirashiid Cali Geele loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Amniga
- Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
- Waxaa Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore) loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka.
- Waxaa Aamina Maxamed Cabdulaahi loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
- Waxaa Cabdiweli Maxamed Yuusuf loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud.