WARARKA SOOMAALI

MUUQAAL:-Dowladda Somalia oo Dalab cusub u dirtay Turkiga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo booqasho ku jooga Dalka Turkiga ayaa Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalkaasi kula kulmay Dhiggiisa Turkiga Hulusi Akar Said.

Kulan ay yeesheen ayey uga wada hadleen Xoojinta Xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Labada Wasaaradood iyo Kordhinta taageerada iyo Tababarada Ciidan Ee dawladda Turkiga ay la garab taagantahay Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxaa uu kaga mahad celiyay dawladda Turkiga Taageerada Hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiir Xasan Xuseen ayaa waxaa uu tilmaamay in Saraakiisha iyo Ciidamada lagu Tababaro Turkiga ay kaalin muuqata kaga jiraan CXDS, sidoo kale ay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top